Bahir Dar, waa magaalo madaxda ismaamulka Axmaarada ee Itoobiya, waana mid ka mid ah meelaha ugu horreeya ee loo dalxiis tago guud ahaan dalkaasi, iyadoo goobo kala duwan oo dalxiis leh; sida harada wayn ee Tana oo kaabiga ku haysa qaar ka mid ah dhismayaasha magaalada iyo sidoo kale webiga Blue Nile. Bandarkani waxa uu hodan ku yahay wadooyin balaadhan oo ay ku teedsan yihiin geedo timireed iyo ubaxyo kala duwan oo midabadoodu ay kala jaad duwan yihiin io dhammaantood soo jiidasho leh, kuwaasoo bilicda magaalada kor u qaadaya dareen hilaw ahna ku qaabilaya dalxiisayaasha hadba soo gaadha.
Bahir Dar waxay ku taallaa deegaan sare oo buuralay ah, waxana uu jooggeedu 1,820 mitir ka sarreysa heerka badda. Magaaladu waxay ku dhawaad 500 km waqooyi-galbeed kaga beegan tahay caasimada Addis Ababa, masaafadaasi oo ah mid aad u kala fog isla jeerkaana ay gaadiidka dhulka mara (Baabuur) ku qaadanayso inuu ku gaadho muddo 9 saacadood ah haddana safarkaasi dheer kuma dareemaysid wax daal iyo caqabad ah, maxaayeelay waxa ay indhahaagu si taxane ah u qabanayaan quruxda deegaankaasi ee dabiiciga ah, waxa aad hadba milicsanaysaa buuraha dhumacda leh, dawyada kala rogan ee aad moodo dawgii sheekh, durdurada iyo biyo mareenada xataa buuraha ka soo dhacaya. Intaaba waxa sii dheer haddii in uun aad maqashay deegaan cagaaran, daawatay filimo lagu jilay goobo bilcsan ama aad niyada ku qabatay meel qurux dabiiciya leh waxa aad ku arkaysaa deegaanka dhereran ee u dhexeeya magaalooyinka Adis Ababa iyo Bahir Dar. Dabcan haa, waa goob uu ilaahay ku manaystay qurux dabiiciya, Sidee baad markaa ugu daali?
Magaaladu waa meel cilimadeedu ay kala duwan tahay, wakhtigada gu'ga waa qabaw roobab badanina way ka da'aan, jiilaalkana waxa ay leedahay qorax kulul.
W/Q: Khadiir M Qawdhame.
0 Comments