Nin Hindi ah ayaa rabay inuu galo Imtixaan dhanka Tareemada ah, waxaa kusoo dhacday fikrad ah in imtixaanka loo maro.
Wuxuu soo dirsaday nin u gala imtixaanka, wuxuuna soo siiyay kaar Imtixaanka lagu galayay iyo maqaar uu ka fiiqay suulka gacantiisa bidix (Sawirka hoose eeg), maadaama ninka kale ay hadhoow qasab ku noqon doonto inuu suulka xataa meel saaro, si loo aqoonsado.
Ninkii lasoo diray goobta imtixaanka ayuu yimid, qeybtii kaarka la saarayay wuu kasoo gudbay, qeybtii suulka la saarayay oo 2 qeyb ahayd ayuu tii koowaad kasoo gudbay, tii labaad marka uu marayo ayuu suulkii shaqeyn waayay, wuu ku celiyay, way socon waysay, waxaa gacanta looga buufiyay biyaha ama daawada jeermiska disha ee gacmaha la marsado, kedibna maqaarkii suulka ayaa soo dhacay.
Ninkii waa la qabtay, kii imtixaanka loo marayay asigana waa lasoo xiray, arrintoodana Maxkamad ayaa loo gudbiyay.
Sawirka hoose waa labada nin iyo maqaarkii ay suulka ka fiiqeen.
Waa sheeko dheer bal kawaran khasaarada intaas la eg.
0 Comments