Generaalka ila sawirani waa Sayid-Maxamed Cabdalle Xasan kuna magac dheer ( Dhagowayne ) oo xilal kale duwan ka soo qabtay ciidaanka kala duwan ee dalka, noqday na taliyihii ugu horeeyey iyo aasasihii ciidaanka socdaalka iyo ilaalada xuduudaha Jsl.
Dhagaxaa idiin muuqdaa ee aanu gacanmaha saarnay waa xafiiskiisii ,haa waa xafiiskii u shaqada iyo dhismaha ciidaanka socdaalka Somaliland u ku bilaabay. Xarunta oo xiligaa xafiiskeedu ahaa dhagaxaa oo yaala weli ka soo horjeedka wasaarada ciyaaraha, kursiga taliyahu wuxuu ahaa isla dhagaxaa , kursi kale ma jirin ,miis ma jirin ,gaadiid ma jirin, mushahar iyo dhisme hadalkoodaba daa laakiin waxa u muuqday sawir hummaag iyo hiraal fog oo mustaqaleed iyo han sare oo waddaniyeed.
Qoristii saraakiishii ugu horeeyey ee ka hawlgalay ciidaanka socdaalka weli wax ay ka hawlgalaan ciidaankaas.
Saraakiisha shaqadan lagu bilaabay way ogaayeen in aanu mushar jirin balse wax ay duruuftaa adag ee xiligaa ugu badheedhayeen waddaniyad ay ku hubaysnaayeen oo kaliya .
Seddexdii sarkaal ee ugu horeeyey ee u shaqada qoray waxa ahaayeen
1. General Dayib Cismaan Caalin/ taliyihii hore ee ciidaanka socdaalka
2.Maryan xussen Xaashi
3..Col Faysa Cabdi Cali / hoggaankii hore ee saadka iyo maamulka lacagta.
General Maxamed Cabdalle Xasan waxa u dhagaxaa u badalay xafiis noqday dhaxal wayn oo maanta si heersare ah ka na mid ah ciidaamada kala duwan ee qaranka oo u adeega ummadiisa , waana aasaasihii ciidaanka socdaalka iyo ilaalada xuduudaha Somaliland , xiligaa oo inta badan la yabbyabayey ha'yadaha dawlada iyadoo ay duruufo adagi ku xeernaayeen dal dhiskii ( State formation) ayuu Sayid Maxamed na doorkiisi ka qaatay dhismaha dalka oo u guntiga u xidhay inuu yagleelo ciidaanka socdaalka oo kaalin wayn kaga jira dhismaha dalka.
W/Q Xamse Dubad
0 Comments