Dhib aad loogu guban doono


W/Q: Guuleed Casaan


Waa maxay dhibta ugu weyn waqtigan ee dhalinteena haysta ? weydiintaas ayaan maalin dhawayd idin la soo wadaagey, qofba meel ayuu ku dhuftey se anigu si fiican ayey iigu caddahay jawaabtaasi.


Waxa ii caddaadey sida dharaarta in dhibta ugu weyn, uguna saamaynta ballaadhan ee dhalinyarteena haystaa ay tahay Daawashada aflaanta xunxun iyo walaashood oo siigada ah.


Waxa mar walba isoo gaadha farriimo dareen badani ka muuqdo oo iiga yimid asxaabta ku xidhan page-kan, kuwaas oo si daran uga cabanaaya daawashada aflaan xunxun.


Aad ayey ii murugo gelisaa marka aan arko walaal leh, waxa aan ku dhawaada in aan is-dilo, waxa aad aan uga damqadaa marka aan arko walaal kale oo sheegaya in uu is-nacay heer aanuu wax qiimo ah ku qabin sii noolaanta, waxa aan aad uga naxaa marka aan arko wiil sheegaaya in waxbarashadiisii dhakhtarnimo ee uu ku fiicnaa kana geli jiray kaalinta 1aad in uu ka hadhay weliba waxbarasho oo dhanna joojiyey.


Bal ila qiyaas murugo iyo damqasho intee le'eg ayaad dareemi kartaa marka aad aragto dhibtaas dhalinteena haysa... Ilaahay baa igu oge aad ayaan u murugoodaa marka aan arko fariimahaas.


Niicdu astaan iima aha, mushkilad weyn oo jirtana xalkeeda waa in lagu mashquulo, inta uu waqtigu ku lumi lahaa cabaad iyo cataw.


Rabbi ayaan u talo-saaran, Barnaamij fiican oo weynna waa aan idinla soo wadaagi marka aan dhameeyo. 


❤️ Idinkuna ducadiina

Post a Comment

0 Comments