Amxaaradii Oo Dib U Riixday TPLF, Duqaymo Aan Kala Joogsi Lahayn Oo Maqale Ka Socda Iyo Wararkii U Dambeeyay
Dagaal aad u qadhaadh ayaa wali ka socdaa waqooyiga Dalka Itoobiya waxaana ay labada dhinacba isu adeegsanayaan hub culus.
Maamulka Amxaarada ayaa sheegtay inay dib u qabsadeen Tuuloyin muhiim ah oo ku yaala waldiya kuwaas oo ay maalmo kahor hantiyeen TPLF.
Duqaymo culus ayaa xalay ka socday magaalada Maqala ee xarunta u ah TPLF wali lama shaacin goobaha la bartilmaameedsaday balse diyaaradaha miltariga iyo Kuwa iswada(Dronta) ayaa garaacay Magaaladaasi.
Ciidamada Cirku waxaa ay sheegeen goor sii horaysay Maanta inay heegan ku jiraan amarna sugayaan ay ku hawl galaan si ay dhanka hawada uga duqeeyaan dagaalyahanada TDF.
Magaalooyinkii waawaynaa Ee axmaaradda Gaar ahaana kuwa Xiggay meelaha ay ku dhawyihiin TPLF ayaa Bandow lagu soo rogay waxaana kamidda Dassie,Debraburhan iyo magaalooyin kalle.
Dhanka Canfarta Dagaalku Si goos goosa buu uga socdaa waloow Markii hore dharbaaxooyinka lagala hormaray Canfafta oo ay aad uga barakaceen goobihii ay ku dhawaadeen TPLF.
Dawladu waxay ku baaqday inay shacabku hubka qaataan kii qori heli karana difaaco dalka si wada jirna uga hortagaan TPLF.
Dawladu Guluf iska caabin ah ayeey ku jirtaa oo wali Buunkii qaylada Shacabka maysan yeerin Halka TPLF ay ka Go'antahay inu ku galaan gashaan labada deegaan(Amxaarada+Canfarta).
0 Comments