Gabadh lacag $100 loo waday oo si khaladan 10 milyan loo diray.

 Haweeneey Thevamanogari Manivel la dhaho oo Australia u dhalatay oo lacag $100 ay xaq u lahayd loo diri rabay ayaa 10 milyan oo Dollar si qaldan loogu diray, lacagtaasna waxaa dirtay shirkad Crypto.com la dhaho oo ah Suuq lacagaha Internetka lagu kala bedesho.


Dhacdada waxay dhacday 2021, balse hadda waxaa socoto dacwada.


Dhibka dhanna wuxuu ka yimid qof shaqaale ah ayaa gabadha lacagta u xawilayay, $100 oo keliya inuu u xawilo ayay ahayd, meeshii lacagta la xawilayo uu ku qori lahaa ayuu telfoon lanbarkeeda ku qoray, $10,474,143 lacag gaaraysa ayuuna u xawilay, qaladkaasna wuxuu dhacay bishii shanaad ee 2021.


Haweeneyda isla markii ay aragtay in lacag lagu soo qalday, ayay lacagtii qeyb weyn oo kamid ah usoo xawilatay akoonkeeda caadiga ah.


Akoonka walaasheed ayay sidoo kale $430,000 u dirsatay, waxayna lacag 1.35 Milyan oo Dollar ah ku gadatay Villa qaali ah oo nooca luxury-ga ah, Filladaasoo leh 5 qol iyo 4 suulli.


7 bilood kedib ayay shirkaddu ogaatay qaladka dhacay, dacwad ayayna ku rogtay islaantii oo lacago badan sii isticmaashay, sidoo kalena ogeyd in lagu soo socdo.


Waxay shirkaddu xataa dacwad saareysaa gabadha la dhalatay ee akoonkeeda lacag lagu tuuray.


Dacwada laftirkeeda ayaa waxay tahay mid racfaan laga qaadan karo oo dhowr bilood sii socon karta.


Bal kawaran arrinkaas?



Post a Comment

0 Comments