Waa Hadraawi oo faallo ku daraya gabaygiisii Gudgude

 Waa Hadraawi oo faallo ku daraya gabaygiisii Gudgude ee uu sannaddii 1990 tiriyay. Intan yar ee aan hadalkiisa ka soo goostay waxay naqdinaysaa kaalinta indheergaradka iyo siyaasiga; labadaa mansab oo u taagan labada dabaqadood ee, sida Hadraawi uu qabo, umadda Soomaaliyeed la hadhay. Wuxuu sharraxaaddan dabadhigayaa meerisyo gabayga ka mid ah. Halkan baan ku soo qoray meerisyadii iyo faalladii uu abwaanku raaciyayba:


Gawdiidka iyo quusta waa lagu gumoobaaye

Kol haddaan hillaab lagu gudbayn giriftan mooyaane

Gabgabteedu waa xubin intay gawrac leedahaye

Geeddiga cagaa daaliyaa lagu geyoodaaye

Gubuxsiga mar uun bay tirsiga meel ka soo geliye

Gargaraaciddeediyo ha dayn geed-ka-didinteeda


Maxaa la sameeyaa? Fadhiguun baa ugu liitee, haddii aanay maanta habaysnayn oo waxba ku heshiis ahayn, oo ay kala qoqoban tahay oo kala qaybsan tahay, kii ka dhashay baa sida u galay. Waxa kala qaybiyay ee ku eegay ninkan cadawga ah ee ku daawanayay mutacallinkeedii iyo siyaasigeeduu buu ahaa. Intii indhaha u noqon lahayd, ee haddii iyada la laynayo, oo foolxumo iyo dulmi lagu samaynayo ka dagaallami lahayd ee dadka wax u sheegi lahayd ee midayn lahayd ee dagaalgelin lahayd, ayuun baa loo adeegsaday oo kala qaybisay, oo nin waliba qoladiisii yidhi igu soo daba fayla, dabadeedna qorshihii Maxamed Siyaad Barre uun baa suuragalay; markii qorshe beeniya oo ka heer sarreeya lagu gudbi waayay ayaa isaga kiisii socday. Markaa hadday maanta xaraash tahay oo maalinba nin intuu u yimaaddo uu wuxuu doono ku samaynayo, waxa gabay raggeedii: inankay dhashay, iyadu iskuulka ku dartay, wax ka bixisay, korisay, ku tacabtay, oo ah kay ku aarsan lahayd, ee iskaga gudbi lahaa Maxamed Siyaad Barre iyo ficilladiisa oo kale, ayaa gabay; kii baa kaalintiisii madhan tahay.

Ayaandarrada maanta Soomaaliya ka taagan shacabku muu geysan, ee waxa ka masuul ah siyaasiga iyo mutacallinka. Waa labadii indhaha u noqon lahaa, umaddan midayn lahaa, in ay wada dulman yihiin u sheegi lahaa, in ay wax ka wada maqan yihiin u sheegi lahaa, cadaw qudha in ay leeyihiin u sheegi lahaa; labadii ay ummadi—sida caadada taariikhda looga bartay—kaga bixi jirtay dhibaatada, ee ku guuri jirtay ee ay adeegsan jirtay; labadii uun baa malakul mawd ku noqday sida taariikhdu hadhowto ay qori doonto.” 


W/Q Aw Guudcadde.


Ilaahay ha u naxariisto Hadraawi. 




Post a Comment

0 Comments