"Cimri Iyo Casri" Cabdikariim Xikmaawi

 

Oday Cimri, “… tuf, tuf, fu.. kan caday ahi na.. Waar soo jeedso adeer yarkaagan nagnagta hayaa. Adeer waxba ma ogide annaka na dhegayso. Eeg hadda, tan wixii loo soo maray adigu ma aad joogine waxa aannu ku nidhi: bal eegay iyada oo hablaha sida la doono loo galalaayo, ninka juuq yidhaahdana la dhaadhicinaayo, habeenkii fiidka la xaraynaayo dadka sida xoolaha. Wax kale iska daaye laba arday ma ay wada hadli kari jirin—oo meel walba dheg ayaa la dhigay… adeer inan yar ayaad tahaye waxaas baannu u soo joognaye ‘alxamdulillaah’ dheh oo nimcadaada xejiso…”


Casri, “kkkkkk, adeer horta marxalado badan ayaa aad u soo joogtaye Alle qaar kale na ha kugu simo! Horta magacaagii waxa uu ahaa, “Cimri adeer” haa Cimriyaw, aniga laftaydu waxba kaama xog yari oo waxa aan u soo joogay iyada oo Hargeysa rag masuuliyiin ahi cayda haweenka ay buug ku qoraan si been-abuur ah. Waxa kale—oo aan u soo taagnaa iyada oo rag masuuliyiin ahi ay hablaha ku caayaan waligood ba ayay qoladaasi gaajoonaysay; Ayaxa na naf baa u gaysay! Waxa aan soo taagnaa iyada oo hablihii Hargeysa ku dhashay dharaar cad laga mastaafurinaayo—oo waliba wakhti ay dalka kaga baxaan loo qabanaayo! Waxa aan soo joogay iyada oo hooyo sharfan caloosha laad lagala dhacaayo—oo suuqa dhexdiisa ay niman ciidan ahi ku joogjoogsanayaan! Waxa aan soo joogay iyada oo hablo tiradoodu ay labaatan dhaafayso inta sida adhiga mareeg la iskugu taxay lagu shubaayo jeelasha! Adeer Cimriyaw Intaa ba anigu caddayn maqal iyo muuqaal ah ayaa aan u hayaaye, adigu waxa aad ii sheegayso maxaa aad u haysaa?”


Oday Cimri, “Adeer waxaasi ma wax baa waa arrimo yaryar oo dadkoodii ayay la joogaan dadkaniye, waxaasi wax weyn ma aha. Waar bahal sanku intaas leeg yahay ayaa waxa uu doono Hargeysa ka samaynaayay…”

Casri “Joog, joog, Cimriyaw, sheekada kuuma aan dhammayn aniguye su’aal caddayn ah ayaa aan ku weyddiiyay e, haddii nin sanyari uu Hargeysa waxa uu doono ka sameeyo taasi xanuun ma laha miyaa? Teeda kale qaybtii caarka—ee laga xishoon jiray ayuun baan kuu wayday aniguye, adigu wixii ba waa aad isku wada qaadaysaaye—haddii aan xagga dilka wax kaa idhaahdo….”

Oday Cimri, “Aar aabbihii waxaa ku sameeyaha yaa waxan ku akhriyay wallaahi in aan koobkaas; waar noo bannee adigu waryaa! Waa maxay inankan yar ee….”

Bulsho, “Ee bal iska fadhiiso. Xaaji shayddaanka iska naar… Waar ninyahaw adiga na odaygu wuu kaa weynyahaye ka xishood dee inaadeer… Waar fadhiista, fadhiista…”


La socda qaybaha danbe.




Post a Comment

0 Comments