Maayir Abdikarim Ahmed Mooge dagaalada Ku socda ma yara, dhan walba dab ayaa ka sudhan.
Dad is haya ayaa haddana isaga u heshiis ah.
Xukuumaddu waxa ay rabta in ay fashiliso, waayo waa ku culays in iyaga oo fadhiid ah cid ka garab shaqayso.
Cabdikariim siyaasiyiin badan oo tol kii ah oo in badan bulshada soo hor taagnaa waa ku dhib Ninkaasi baa Isku kiin dhaama.
Koox uu hogaaminayo Duqii Hore ee fashilmay waa qayb wayn oo ka mid ah dagaalka. Sidaas marka ay tahay Mooge waa qof dhan walba ka gubbanaya.
Soomaalidu waa ilma adeer iyo in is taqaane Haddii si hoose laguugu waramo oo aad xog kale hesho Waad yaabi ninkaasi culayska saaran.
Inta uu qalday Mooge ka badan bay qaldaan siyaasiyiinteenu, haddana hadalka Mooge waan u abaabulannahay in aan ka falcelino.
Maayirku ha shaqeeyo ee ka daaya culayska.
W/Q: Mukhtaar Sheekh Xareed
0 Comments