Nin Is Gubay oo ku Geeriyooday xaafada Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

 Nin Is Gubay oo ku Geeriyooday xaafada Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa. 


Alle haw naxariistee waxaa maanta abaaro 1:00 duhurnimo ku Geeriyooday xaafada Jigjiga yar nin lagu magacaabo Axmed Nuur Sheekh Muumin, marxuumkaasi oo dab is qabadsiiyay.


Ciidamada Dab-demiska Hargeysa ayaa markii lagu soo wargeliyay, waxay si degdeg ah u gaadheen goobtaas, hasayeeshee marxuumka oo kaligii guriga joogay,hoostana Albaabka ka soo xidhay ayaan naf lagu gaadhin.


Ilaa hadda ma cadda sababta uu isku gubay, hasayeeshee waxay ehelada marxuumku sheegeen in xanuun xaga maskaxda ah hayay,kana yimi Qurbaha, kaligiina guriga uu ku noola.


Ciidamada Booliska gaar ahaan Qaybaha CID da iyo CTU da ayaa iyaguna goobjoog ahaa, kiiskaas na hadda gacanta ku haya.Dhanka kale waxaa iyaguna ka hawlgalay Gaadiidka Ambalaaska Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa. 


Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu bulshada uga digayaa in caruurta, dadka waaweyn iyo dadka maskaxda ka jirran ba aan lagaga tagin guryaha kaligood.








Info.fire@sldgov.org

990 Emergency call

Cabdiwahaab Toox



Post a Comment

0 Comments