Nin taksiile ah ayaa wuxuu dhahay waxaan soo qaaday Maamo wayn iyo gabadheeda.

 


Gabadha waxay ka hadlaysay ninkeeda dhibka uu ku hayo, inuu mararka qaar iska xanaaqayo markay sameyso wax uusan u sheegin


Maamadii waxay ku tiri gabadheeda sida uu yahay ninkaaga kula dhaqan.....fiiri aniga iyo abahaa 30 sano ayaan is qabnaa,nolosheena waa caadi dhib kama jiro waana is fahanaa sababta mataqanaa wax walbo uu yiraahdo waxaan ugu jawaaba waayahay xaaji waan sameynayaa anigoo dareensiinayo inuu asaga i xukumo laakiin waxaan sameyaa waxa aan aniga rabo.


Ma ogtahay ragga waa doqomo markay is xanaajiyaanba hal eray aad tiraahdid ayay ku dagayaan ama ku aamusayaan?


Taksiilihii wuxuu dhahay islaantii way iga xanaajisay dhiig karna way igu riday anigoo is xanaajinayo ayaan fiiriyay meesh ay fadhiyeen


Islaantii markay i aragtay waxay igu tiri adiga kuma jirtid wiilkayga qof aqli badan ayaad tahay Allaha ku dhawro


Anigoo dhoola cadeynayo ayaan sii jeestay mise waxaan maqlay ayadoo cod hoose ku leh ma aragtaa doqonimadiisa hal eray ayuu ku aamusay 


XIGASHO: Eng Abdulaziz Addow.





Post a Comment

0 Comments