Sannadkii 1999-kii ayuu dalka faransiisku guda galey mashruuc qarsoon kaasoo lagu sameynayo diyaarad Casri ah oo aanu raadaarku qaban, oo si fudud hawada u dhexmarta iyadoo aan la ogaan karin!

 Sannadkii 1999-kii ayuu dalka faransiisku guda galey mashruuc qarsoon kaasoo lagu sameynayo diyaarad Casri ah oo aanu raadaarku qaban, oo si fudud hawada u dhexmarta iyadoo aan la ogaan karin!


Tijaabadii ugu horeysay waxay safarkeeda ku soo martay Lubnaan, Suuriya, Jordan, kadib waxay u gudubtay hawada Masar iyadoo kadib kasii gashay badda cas kadib ayey Sucuudiga iyo Yeman soo wada martay, ugu dambeyn waxay cagaha dhigatay Jaziiradda Réunion ee ku dhacda Badweynta Hindiya oo faransiiska taabacsan,


Dhamaan dowladihii ay diyaaraddu soo martay Codkeeda way maqleen balse way ogaan kari waayeen diyaaraddu waxa ay tahay iyo cidda iska leh🤔 


Dowlad walbana way iska aamustay iyadoo ilaashanaysa heybadeeda,Faransiisku waxay magaalada Paris ku diyaarinayeen xaflad wayn oo lagu soo bandhigi lahaa guusha ay gaareen, balse safiirkii Faransiiska u fadhiyey Yemen ayaa isla markiiba la soo xiriiray madaxtooyada faransiiska, wuxuu u sheegay in xukuumada yemen warqad cabasho ay soo gudbisay iyadoo ku eedaynaysa in faransiisku ku soo xadgudbeen hawadeeda!


Saraakiishii faransiisku yaab ayey gacmaha dhabanka saareen, waxay is weydiiyeen sidee diyaaradeena casriga ah ee intaas oo dowladood ogaan waayeen ay dowladda yemen oo iska taag yari ku ogaatay?


Sirdoonkii faransiiska ayaa la howl geliyey waxay kiciyeen dayax gacmeedyo si loo ogaado Raadaarka ay xukuumadda yemen haysato ee diyaaradooda soo qabtay, baaris dheer kadib way ku guuldareysteen, markay quusteen ayey raali gelin ka bixiyeen iyo lacag fara badan oo magdhow ah, 


Kadib su'aal ayey weydiiyeen xukuumadda yemen iyagoo leh waxaad noo sheegtaan nooca Raadaar ee diyaaradeena sheegay.


Xukuumadda yemen waxay ku jawaabtay Wax Raadaar ah oo diyaaradda noo sheegay ma jiro😂, balse markaan guuxa diyaaradda maqalnay ayaan cabasho u gudbinay dhamaan safaaradaha ajnabiga, safaaradihii oo dhan waxay ku jawaabeen diyaaradeena maaha, marka laga reebo safaaradiina faransiiska oo markaan cabashada u gudbinayba raaligelin bixisay sidaas ayaan ku ogaanay in diyaaradda faransiis leeyahay,😂😂


Mararka qaar caqliga Bani'aadamka ayaa ka sareeya kana awood badan qalab walba oo Casri ah. 


W/T: Mustafe Awil Hassan




Post a Comment

0 Comments