W/Q: Cabdiqani A. Ciid
Hafashadu (Qorqoon) waa dhimasho ay keento neefta oo qofka ku dhegta. In ka badan 372,000 oo qof sannad kasta u dhinta , waana sababta 3aad ee keenta dhimashada ugu badan , sida uu qabo ururka caafimadka adduunku.
Inta badan hafashadu waxa ay ka dhacdaa harooyinka, biyaha macaan, durdurrada, webiyada, xeebaha, iyo barkadaha dabbaasha.
Marka biyuhu galaan sambabka qofka, waxay bilaabaan inay hafiyaan, ka dibna Jidhku wuu argagaxaa, wuxuna xidhaa murqaha neefta, taasoo keenta in cunuhu xidhmo, qofkuna neef-qabatoow u dhinto.
Sidee ku ogaan kartaa in qofku baddu laqday?
Caadi ahaan waxaad ku ogaan kartaa , qofka oo madaxiisa hoos u dego, halka afkiisuna u dhawaado heerka biyaha, indhuhuna dhaqdhaqaaqa joojiyaan.
Sidee u samatabbixin kartaa qof baddu liqday?
Waxa ugu horreeya ee aad samaynaysaa waa inaad hesho walax badda dul sabbayn karta , sida loox, xadhig, caag sabbaynaya ama ul dheer si aad qofka ugu soo gaadho xeebta. Haddii aanad helin walxahaa sare , kaliya iska ilaali in aad u dhawaato dhibanaha, gadaal kasoo mar oo xagga danbe quus , ka dibna lugihiisa kor usoo tuur ilaa xeeliga hore ee badda ka keenaysid. Haddii aad u dhawaato dhibana ,wuxuu ku qabsanaya sida geedka oo kale, kaana fuqi maayo! Waayo? waa qof naftu hayso oo kugu mintidaya. Sidaas awgeed labadiinuba waad hafanaysaan.
Sidee loo sabbeeya badda dusheeda? (Dabaal joogsiga)
Baraha iyo tababaraha dabbashada ee mac'hadka Georgia Institute of Technology 1936-1964 oo lagu magacaabo Fred Lanoue ayaa soo saaray farsamo qofka ku ku dul sabbeyn karo badda dusheeda "Durn-proofing." isagoo isticmaalaya qadar yar oo tamar ah. Wuxuu ku andacoodey in qofku uu ku dul sabbeyn karo biyo degan oo toosan, iyada oo afka iyo sanka oo keliya ka sarreeyaan biyaha si uu u neefsado. Sida laga soo xigtay Lanoue, qof kastaa wuxuu ku noolaan karaa wakhti dheer biyaha marka uu farsamadan barto. Tani waxay u ogolaanaysaa qofka in uu nasto in muddo ah, inta uu ku jiro biyaha ka hor intaanu mar labaad dabbaalan.
Waa kuwan qaar ka mid ah tallaabooyinka uu Fred Lanoue innala wadaagay si aynu u dul sabbeyno biyaha dushooda.
1: Si qoto dheer u neefso oo sambabka hawo cusub ka buuxi, naso, is fududee oo si deggan qadaadka biyaha u saar, gacmahana ka sarraaysii biyaha.
2: Markaad u baahato in aad neefsato, si fudud gacmahaaga hoos ugu riix ilaa afkaagu ka sarreeynayo biyaha , ka dibna si deggan u neefso, hawo cusub-na qaado.
3: Kuu celceli 10-15-kii lbidhiqsiba , ilaa inta lagaa soo gaadhayo ee lagu badbaadinayo.
Afar hab oo aad si nabad gelyo leh u dabbaalan karto, iskana ilaalin kartid in aad hafato.
1: Ha isku tuurin biyaha marka hore , qunyar u gal oo hubso gunta hoose ee biyaha inta ay qotadeedu leegtahay.
2: La dabaalo saaxibada. Mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee aad isaga ilaalin karto inaad hafato ama dhib kusoo gaadho inta aad ku gudo jirto biyaha. La dabaalashada saaxibadu, waxa ay kuu ogolanaysaa inaad jawaab celin degdeg ah hesho, haddi wax kusoo gaadhan.
3: La soco agagaarkaaga. Hubi inaad la socoto qof kasta oo aad la dabaalanayso. Haddii qof la waayo waxay u badan tahay , in uu u baahan yahay gargar degdeg ah; waa inaad diyaar u ahaataa inaad caawiso sida ugu waxtarka badan ee suurtogalka ah.
4: La soco awoodaada, iyo awooda kuwa aad la dabaalaneyso. Qaado agabka nabad gelyada sida , koodhka dabaasha , taayirka badbaadada iyo saxiimadda sabbaynta.
Dhammaad.
0 Comments