Tani waa Sheekada Cabdifataax Geesigii 9 cisho u soo lugeynayay si uu Berbera uga shaqeysto.



Sheekadda Cabdiqani Ismaaciil Yoonis, waa 15 sano jir ka soo lugeeyey deegaanka Goblaaley oo tirsan deegaanka soomaalida Itoobiya, wuxuu soo lugeynayay 19 caanomaal oo uu khatar ku galay, si uu Berbera u soo gaadho, Allena waa nabad keenay se Khatar wayn ayuu galay oo waxaa cuni gaadhey DHIDAR!.

 

Waxaan waydiiyey intii aad soo lugeynaysay Goormay kuugu darnay? Ku ye markii aan marayay Buurta Sheekh ee aan soo dhaadhacayay ayuu Bahalka Dhidar la dhaho I cuni gaadhey, wuu I eryaday, sidii uu ii eryanayay ayaan soo gaadhey deegaanka Hudiso oo aan kaga nabadgalay.


Cabdiqani Mar aan waydiiyey Maxaad Berbera ka soo doontay ? Wuxuu ii sheegay inuu Shaqo doon yahay oo uu doonayo inuu shaqeysto. Runtii wuxuu Alle nagu guuleeyey inaan shaqo iyo Meel uu seexdaba aan siino, sidoo kale waxaan rajeynayaa inaan waxbarasho geyno sida uu codsaday oo waliba ta xirfadda aan geyno iyo Qur'aankaba uu barto.


Noloshu waa Halgan iyo Hawl u baahan Go'aano lagu gaadhi karo hadafyada aad jeceshay.


Rakad Mxd Sultan

Post a Comment

0 Comments