Waa Kuma John Terry?
- John George Terry wuxuu dhashay 7di December 1980 ki, wuxuuna ahaa mid kamid ah kuwi ugu fiicnaa caalamka jiilkiisa, waxa ay dad badan qabaan inuu yahay difaaci ugu fiicnaa abid ka ciyaara Premier League..
- Terry waxa loo aqoonsaday difaaca ugu fiican Yurub sanadihi 2005, 2008 & 2009, Terry wuxuu ahaa difaaca kaliya ee ku guuleystay PFA illa laga soo gaaro 2019 markaasuu Van Dijk noqday difaaci labaad abid abaal marintaas ku guuleysta,
- Terry wuxuu shaxda aduunka kasoo muuqday 5 jeer oo xiriir ah 2005-2009, mana jiro abid ciyaaryahan Premier league ka ciyaara ama kasoo ciyaaray oo intaas jeer shaxda caalamka ugu fiican kasoo muuqday isagoo uciyaaraaya koox Ingariis ah, wuxuu sidoo kale ka mid ahaa squad ki koobka aduunka 2006 ugu fiicnaa isagoo sidaas ku noqday ciyaaryahanka kaliya England ah ee abid kasoo muuqday..
- Terry waa kabtanka taariikhda kooxda Chelsea ugu guulaha badan wuxuu kooxda ku hogaamiyay ku guuleysiga 5 premier league, 3 league cups, 4 Fa cups, hal Europe league iyo hal Champions league, wuxuu kamid yahay 5 ciyaaryahan oo Chelsea usaftay wax ka badan 500 kulan..
- Terry waa difaaca ugu goolasha badan Premier League sidoo kale waa difaaca ugu goolasha badan taariikhda kooxda Chelsea, Wuxuu sidoo kale kamid ahaa kooxdi Chelsea ee laga dhaliyay goolasha ugu yar hal xili ciyaareed taariikhda premier league (2004-05 waxa laga dhaliyay 15 goal oo kaliya)
- Difaacyada waxa ay uciyaaraan inta badan labo Style kuwo aqli ayee ku ciyaaraan sida Van Dijk, Thiago Silva iyo Ferdinand halka kuwa kale ee ciyaaraan qababac iyo is qarxin sida Vidic iyo Kompany balse Terry labada style ba wuu ciyaari jiray, sidoo kale wuxuu ahaa difaac xawaarihiisa sareeyo labada lugna kubada siduu doono ugu bootiya..
- Sanadki 2011 ki John Terry wuxuu noqday shaqsiga 3aad ee ugu baas sixista badan Yurub oo dhan isagoo saxay 91% baasaskiisa, waxa ka horeeyay kaliya Xavi oo bixiyay 93% iyo Leon Britton oo qadka dhexe Swansea uga ciyaaraayay xiligaas taasoo ku tuseysa sida uu Terry ugu wanaagsanaa marki uu kubada wato..
Taariikhda Terry iyo waxyaabihi uu ku wanaagsanaa intaan luguma soo koobi karo balse intaan isaga ekeynaayaa maadaaama aanan rabin inuu qoraalka intaan kasii dheeraado..
Post gaan wuxuu abaal marin uyahay taageerayaasha Chelsea maadaama ay ku guuleysteen tartanki kooxaha Premier league kooxda ugu taageeraha badan..
0 Comments