Wakhtiyada abaaraha ee biyo dhaaminta la samaynayo waxa muhiim ah in markasta qiimaha biyuhu noqdaan mid xaqiiqo ah

 Wakhtiyada abaaraha ee biyo dhaaminta la samaynayo waxa muhiim ah in markasta qiimaha biyuhu noqdaan mid xaqiiqo ah oo ugu yaraan lagaa rumeysan karo, gaar ahaan marka cidda warka tebinaysaa ay tahay cid aqoon isu tuhmaysa.


Warbixin cusub oo ka soo baxday xafiiska UN-ta ee OCHA ayaa sheegaysa in qiimaha biyaha ee magaalooyinka barigu ay gaadhay heer aan caqli gal ahayn. Sida shaxankan hoose ka muuqata, waxa lagu sheegay in Burco foostadu mareyso 75,000 oo shilinka Soomaaliya ah ($3), Ceerigaabo 110,000 Sh So ($4.40), Laascaanoodna 630,000 Sh So ($25.20).


Laascaanood waxay ka dhigeen meesha ugu biyaha qaalisan magaalooyinka Soomaalida, taasi oo la macno ah in biyaha mooyasaxada ihi ka jaban yihiin kuwa booyadaha! Xaqiiqadu se waxay tahay in Laascaanood, Burco iyo Ceerigaabo yihiin magaalooyinka ugu biyo jaban ee foostada biyuhu tahay $1 ilaa $1.20. Waxay u egtahay in lacag la musuqay lagu daray qiimihii saxda ahaa ee biyuhu ku joogeen.


Xilliyada abaaraha waxa gacanta ugu weyn ee biyadhaaminta geysta bulshada qaybeheeda kala duwan. Ilaa bishii April ee sannadkan wax ka yar 5% ayey hay’aduhu ku lahaayeen biyo dhaamintii laga sameeyey Somaliland. Intaana waxay ka qorteen qoraallo qarafaysi ah oo niyad-wanaagga iyo bini-aadantinimadu ka arradantahay, heer ay gaadhsiiyeen in hableheenna aynu biyo ku beddelenno! 


Waxa intaa u dheer duudsiga iyo sida ay iskaga indho-tirayaan xaqiiqada lacagta deegaannadaa laga isticmaalo. Lacagta shilinka ah ee xataa aan laga adeegsan Soomaaliya ayey ka dhigayaan in magaalooyinka bariga wax lagu kala iibsado. Waxa suuragal ah in ay u doorteen halbeeggaa lacageed in ay ku hadoodilaan buunbuuninta kharashaadka biyaha.


W/Q: Ismaaciil Axmed



Post a Comment

0 Comments