Ruba waa gabadh dhalinyaro ah oo kasoo jeeda dalka urdun, waxay barteeda Facebook ku baahisay fariin ay kaga codsanayso shacabka dalkeeda urdun badbaadinta hudheelka aabaheed oo ah halka keliya ay ka helaan nolol-maalmeedkooda.
Sidan ayuu ahaa qoraalka ay soo dhigtay barteeda Facebook isagoo tarjuma;
“ Wuxuu noqday xalkii ugu dambeeyay aan sameeyo inaan fariintan idin la wadaago, aabbahay aad buu u murugaysan yahay sababtuna waxay tahay meesha keliya aanu ka helno nolol maalmeedka oo ah hudheelka uu suuqiisu socon waayey iyo wax walba oo kor u kac ku yimid, waxaan sidoo kale fariintan idin la wadaagayaa waa inaan rajeynayo inaad aniga iyo aabbahay naga farxisaan.”
Kadib markii ay ruba baahisay fariintii, waxa kasoo falceliyay dad caan ah iyo shacabka urdun, waxayna noqotay hadal haynta warbaahinta dalka urdun.
Arrinta cajiibka ah ayaa ahayd in hodheelkii yimaadeen kumanaan kun oo shacabka urdun ah si ay dhoola cadeynta ugu soo celiyaan qoyska ruba.
Dhamaan wargeysyada carabta ayaa qisada ruba ciwaan uga dhigay "Gabadh walba waa risiqa aabaheed".
Isha; Kamaal Media.
0 Comments