" Dawladu waxa ay sharaf yeelataa marka ay u adeegto shacabkeeda......"
Saaka subaxnimadii ayaan soo raacay mid kamid ah basaska yaryar ee u kala baxa Herer iyo Jigjiga. Markii aan magaalada Herer in yar kasoo baxnay ayaa waxa aan dareemay buuq ka dhex dhashay rakaabka iyo ninkii darawalka ahaa .
Dadka baska saaran kaligay ayaa Somali ka ahaa, afka ay ku hadlayaaana maanan fahmayn. Waxa aan ku war helay baskii oo dib u kala jeediyay oo wadadii aanu soo marnay dib ugu laabtay, iyo dadkii oo bilaabay inay iyagu isu jawaabaan, markaasaan fahmay waxa laysku hayaa inuu yahay nooliga baska. In yar ka dib, dadkii waxa ay la hadleen ninkii darawalka ahaa, gaadhigiina wuu soo kala jeediyay. Lacagtii ayaa dadkii laga uruuriyay. Ka dib keen 200 oo bir ayaa uu igu yidhi ninkii kirishboyga ahaa.
Waan u dhiibay lacagtii. Xoogaa haddii aan soconay ayaa baskii waxa joojiyay qolodii cashuuraha, darawalku warqad ayaa uu u dhiibay balse intaa kumay ekaane mid ka mid ah nimankii cashuuraha ayaa rakaabkii waydiiyay immisa ayaa la idinka qaaday nooliga, mid Afsomaliga jajabsanaya oo i ag fadhiyay ayaa "100 riyaal" kor ugu dhawaaqay. Si loo moodo somali.
Markii aan dhaqaaqnay ayaan waydiiyay ninkii i ag fadhiyay waxa uu ninkan istaajiyay na waydiinayay. Wuxuu ii sheegay inuu na waydiiyay nooliga inta nalaga qaaday.
Xoogaa haddii uu socday basku, ayaa madkale waxa na istaajiyay isla qoladdii cashuraha oo isla su'aashii ayaa rakaabka la waydiiyay.
Siiba aniga ayuu i waydiiyay immisaa lagaa qaaday nooliga baska. Dadkii waxa ay lasoo boodeen mar qudha 100 bir. Balse, waxa aan ku idhi waxa layga qaaday 200 oo bir.
Mar kaliya ayay dadkii rakaabku inta ay aamuseen isoo wada eegeen. Jawigii baskuna uu is badalay.
Hareeraha ayaan fiiriyay mise dadka waxa ka muuqata indhahooda cabsi. Darawalkii ayaan fiiriyay mise wajigiisii ayaa isu badalay nooc kale indhihiisana waxa isku soo taagtay ilmo. Ka dib ninkii askariga ahaa inta uu xagaa iskaga dhaqaaqay ayuu buug yar oo Jawan ah lasoo baxay.
Darawalkii baskii intuu ka dagay ayuu ninkii dhinac orday isaga oo hadal dabacsan kula hadlaya. waxa aan u fahmay inuu baryootamayo oo uu iska maslaxayo.
Xoogaa haddii aan taagnayn ayuu ninkii dadkii rakaabka kusoo noqday wuxuuna waydiiyay inta laga qaaday nooliga. Waa ay aamuseen oo cidiba la hadli wayday. Wuxuuna bilaabay inuu qof qof u waydiiyo inta laga qaaday lacagta baska. Qof kasta oo la waydiiyaa isaga oo naxsan ayuu lahaa 100 birr. Intaa kumuu dayne dhawr qof oo muslim u ekaa ayuu dhaariyay.
Ka dib aniga ayuu i waydiiyay inaan sitay shandad wayn oo lacagtaa laygaga qaaday. Waxa aan u sheegay inaanan sidan wax shandad ah oo wayn. Ka dib wuxuu darawalkii kula hadlay luuqad kulul. Kuna amray in uu ii soo celiyo 100ka birr ee uu xaqdarada igaga qaatay. Inankii kirishboyga ahaa ayaa isaga oo naxsan ii soo celiyay 100 kii riyaal.
Ninkii askariga wuxu igu yidhi haddii uu darawalkaasi wax lacag ah oo dambe ku waydiiyo inta aad jidka sii socoto askariga wadada taagan u sheeg. Aniguna madaxa ayaan ruxay oo waayahay baan idhi.
Baskii wuu soo dhaqaaqay, ninkii afka somaligu ku adkaa ayaa igu yidhi walaal haddii lagu waydiiyo immisaa laydinka qaaday nooliga, waxa loogu jawaabaa 100 birr. Haddii kale baska waa la xidhayaa inaguma maantoo dhan ayaan u xanibnaanaynaa.
Aniguna intaan si cadho leh ugu jawaabay ayaan ku idhi anigu beenta ma aqaanee wixii layga qaado waan u sheegayaa askariga.
Ka dib wuu iga aamusay. Dadkii iska sheekaysanayay markii hore ayaa wada aamusay oo baskiiba wuxu galay jawi ka duwan jawigii hore. Dadku xataa indhaha ima wada siinayn ee ilqoodha ayaa layga eegayay. Baqasho aan inaba caadi ahayn ayaa gashay dadkii.
Dhawr jeer oo kalena waa nala istaajiyay oo nala waydiiyay lacagta baska. Rakaabku umay jawaabayn askariga ee aniga ayaa ilqoodha layga soo fiirinayay.
Run ahaantii waxa aan dareemay inaan joogo meel dawladnimo ka jirto oo askarigeedu haybad iyo sharaf leeyahay.
Waxa aan dareemay inaan dhex joogo dawlad dulmiga, cadaalad darrada, dhaca iyo sixir bararka la dagaalamaysa.
Waxa aan is waydiiyay su'aalo aad u badan oo ku saabsan kala duwanaanshaha dalka aaan qariibka ku ahay iyo dalka aan u dhashay.
Dawladu waxa ay sharaf yeelataa marka ay u adeegto shacabkeeda.
Adam Gudaal, ayaa qoray.
0 Comments